Tababarihii hore ee Liverpool, Jurgen Klopp, ayaa la sheegay inuu ku dhiirrigeliyay kooxda inay si weyn u maalgeliso si ay u soo iibsato xiddiga soo baxaya ee RB Leipzig, Yan Diomande, iyagoo raadinaya beddelka Mohamed Salah xagaagan.
Klopp ayaa la rumeysan yahay inuu ku boorinayo kooxdiisii hore inay isku daydo inay la soo saxiixato ciyaaryahanka caalamiga ah ee Ivory Coast, kadib xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee cajiibka ahaa ee Bundesliga.
Klopp wuxuu si fiican u yaqaanaa Diomande, maadaama uu yahay agaasimaha guud ee kubadda cagta ee Red Bull – xil uu qabtay laba sano ka hor markii uu ka tegay Liverpool dhammaadka xilli ciyaareedkii 2023–24.
Diomande ayaa kaliya xagaagii hore ku biiray Leipzig isagoo kaga yimid kooxda Isbaanishka ah ee Leganes, wuxuuna qandaraas kula jiraa Leipzig ilaa sanadka 2030.
Sida ay sheegtay The Sun, kooxda RB Leipzig waxay doonaysaa inay sii haysato Yan Diomande hal xilli ciyaareed kale, balse waxay fahamsan yihiin in taasi ay adkaan karto maadaama sumcaddiisa Yurub si degdeg ah u sii kordhayso.
Diomande ayaa xilli ciyaareedkan noqday mid ka mid ah baalleyda (wingers) da’da yar ee ugu xiisaha badan adduunka, waxaana doonaya kooxo badan oo ka kala ciyaara Premier League iyo Yurub, oo ay ka mid yihiin Liverpool iyo Bayern Munich.
Leipzig ayaa la rumeysan yahay inay ku qiimeysay weeraryahankan 19 jirka ah lacag dhan £87 milyan. Haddii lacagtaas lagu iibsado, Diomande wuxuu noqon lahaa ciyaaryahankii ugu qaalisanaa ee ay Leipzig abid iibiso, isagoo dhaafi lahaa heshiiskii Josko Gvardiol ee uu ugu wareegay Manchester City sanadkii 2023, kaasoo ku kacay £77 milyan.
Diomande ayaa xilli ciyaareedkan ka dhaliyay 10 gool isla markaana bixiyay 7 caawin 26 kulan oo uu ka ciyaaray Bundesliga.
Be the first to comment