FIFA VIRUS: Arsenal Oo Uu Xiddiga Kaga Dhaawacmay Waajibaadka Xulkiiisa

Weeraryahanka garabka uga ciyaara Arsenal, Noni Madueke, ayaa ka baxay garoonka Wembley isagoo xiran qalab taageera jilibka kadib dhaawac uu ka soo gaaray kulankii ay xulka England bar-baro 1-1 la gashay xulka Uruguay.

Madueke ayaa ku bilowday ciyaarta, balse waxaa lagu qasbay in la saaro daqiiqaddii 38aad kadib markii uu dhaawac ka soo gaaray jilibkiisa bidix, kaddib markii ay isku dheceen Rodrigo Aguirre.

Tababaraha England, Thomas Tuchel, ma uusan bixin war faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda Madueke kadib ciyaarta, balse ciyaaryahanka ayaa la arkayay isagoo dhutinaya islamarkaana jilibka bidix uu ku xirnaa qalabka taageerada marka uu ka baxayay garoonka.

Madueke ayaa hadda la filayaa inuu ka tago xerada xulka England ka hor kulanka saaxiibtinimo ee ay la ciyaarayaan xulka Japan.

Ciyaaryahanka 24 jirka ah ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu shaki galo kulanka rubuc-dhamaadka FA Cup-ka ee ay Arsenal la ciyaari doonaan Southampton kadib fasaxa caalamiga ah 4-ta april.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga