Pablo Zabaleta Oo Magacaabay 5 Xul Oo Ku Guulaysan Kara Koobka Addunka.

Difaacii hore ee kooxda Manchester City, Pablo Zabaleta, ayaa ka hadlay Koobka Adduunka 2026, isagoo magacaabay shan waddan oo uu aaminsan yahay inay awood u leeyihiin inay ku guuleystaan koobka.

Wareysi uu siiyay Flashscore, Zabaleta wuxuu taageeray dalkiisa Argentina, isagoo sidoo kale xusay France, Spain, Brazil iyo England inay yihiin xulal si dhab ah ugu tartami kara hanashada Koobka Adduunka.

Markii la weydiiyay in Argentina ay difaacan karto koobkii ay ku guuleysatay Qatar, Zabaleta wuxuu yiri:

“Waan aaminsanahay inay sidaas sameyn karto. Marka laga reebo Spain, England, France iyo Brazil, Argentina waa mid ka mid ah xulalka aan u arko tartamayaal dhab ah,” ayuu yiri.

Wuxuu sii raaciyay:“Haa, Lionel Messi wuu sii weynaanayaa, laakiin wali wuxuu awood u leeyahay inuu sameeyo daqiiqado mucjiso ah.”

Wuxuu sidoo kale xusay Portugal inay tahay xul mudan in si dhow loo eego, wuxuuna tilmaamay horumarka England ee hoos yimaada tababaraha cusub Thomas Tuchel inuu yahay calaamad muujinaysa awooddooda.

“Portugal sidoo kale waa koox aan si dhow ula socon lahaa. England-na, iyadoo Tuchel hoggaaminayo, waxay ciyaarayaan si wanaagsan waxayna leeyihiin ciyaartoy tayo sare leh,” ayuu yiri Zabaleta.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga