DEG-DEG: Kooxdii Ugu Horaysay Xaqiijisay In Ay Doonayso Saxiixa Mohamed Salah.

Maamulaha guud ee New York City FC, Brad Sims, ayaa shaaca ka qaaday xiisaha ay u qabaan weeraryahanka Liverpool FC ee Mohamed Salah.

Waxaa Talaadadii lagu dhawaaqay in Salah iyo Liverpool ay kala tagi doonaan dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Warar hore ayaa sheegayay in xiddiga reer Masar uu u wareegi karo Sacuudi Carabiya, balse Sims ayaa sheegay in NYCFC sidoo kale ay daneynayaan.

Isagoo ka hadlayay shir ay qabatay Sports Business Journal oo ku saabsanaa ganacsiga kubadda cagta, ayuu yiri:

“Waxaan jeclaan lahaa inaan helo Mo Salah”

“Ilaa hadda wax wada-hadal ah lama yeelan isaga ama wakiilladiisa. Waxa ugu muhiimsan waa in ciyaaryahanku rabo inuu yimaado MLS oo uu ku ciyaaro New York City”

“Ma dooneyno inaan qof ku qasbno inuu yimaado New York, horyaalka ama kooxdeena. Waxaan rabnaa ciyaartoy si dhab ah u doonaya inay halkaan joogaan”

“Arrin kale oo ku saabsan xiddigaha waa inaad doorashooyin wanaagsan sameysaa… waxaad u baahan tahay ciyaartoy si adag u tababarta, saaxiibo kooxeed fiican ah, isla markaana wax ku biiriya jawiga qolka labiska. Waxaan sameynaa baaritaan badan, kaliya ma ahan xiddigaha.”

Waxaa xusid mudan in NYCFC ay qayb ka tahay shirkadda City Football Group, oo sidoo kale leh Manchester City.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga