Paul Scholes ayaa sheegay in guushii Manchester City ee Carabao Cup ay ka gaareen Arsenal ay ahayd “guul u soo hoyatay kubadda cagta.”
Man City ayaa ku guuleysatay koobkoodii ugu horreeyay ee xilli ciyaareedka kadib markii ay 2-0 kaga adkaadeen Arsenal oo ay ku loollamayaan horyaalka Premier League.
Qaybtii hore ee ciyaarta (45 daqiiqo ee hore) wax gool ah lagama dhalin, iyadoo labada kooxood ay si taxaddar leh u ciyaarayeen.
Si kastaba, kooxda uu hoggaamiyo Pep Guardiola ayaa si weyn u xukuntay qaybtii labaad, waxayna guusha ku xaqiijiyeen labo gool oo degdeg ah oo uu dhaliyay Nico O’Reilly.
Arsenal waxay rajeynaysay inay ku guuleysato koobkoodii ugu horreeyay tan iyo 2020 isla markaana ay sii nooleeyaan riyadooda afar koob balse ciyaartii Wembley ma aysan soo bandhigin waxqabadkii laga filayay.
Paul Scholes ayaa dhaliilay xeeladaha ay Arsenal ku gaareen inay 9 dhibcood kaga horreeyaan horyaalka Premier League, isagoo sheegay in kooxda ay si weyn uga maqan tahay “hal-abuurkii ay lahaayeen kooxihii hore ee horyaalka ku guuleysan jiray.
Halyeeyga Manchester United wuxuu aaminsan yahay in tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, uu si xad-dhaaf ah ugu mashquulay kubbadaha dhaadheer. Wuxuuna tilmaamay Max Dowman inuu yahay ciyaaryahanka keeni kara firfircooni iyo xiiso cusub oo kooxda u baahan tahay, isla markaana “badbaadin kara xilli ciyaareedka Arsenal.”
Dowman ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee gool ka dhaliya Premier League, kadib markii uu dhaliyay gool cajiib ah daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaar ay la yeesheen Everton horraantii bishan.
Be the first to comment