Halkee Ayuu Marayaa Tartanka Gooldhalinta kabta Dahabka Ah Ee Yurub.

Weeraryahanka Bayern Munich, Harry Kane, ayaa hoggaaminaya tartanka European Golden Boot xilli ciyaareedkan, isagoo ka sarreeya xiddigo waaweyn sida Kylian Mbappé iyo Erling Haaland.

Sida laga soo xigtay Transfermarkt rankings, Kabtanka England ayaa ka horeeya xiddiga Real Madrid ee Kylian Mbappe iyo xiddiga Man City ee Erling Haaland.

Kane ayaa hoggaanka u haya isagoo leh 31 gool, waxaana kaalinta labaad ku jira Mbappé halka Haaland uu ku jiro kaalinta saddexaad.

Halkan waxaa ku qoran 10-ka ugu sarreeya ee European Golden Boot xilli ciyaareedkan:

  1. Harry Kane (Bayern Munich) – 31 gool, 62 dhibcood
  2. Kylian Mbappé (Real Madrid) – 23 gool, 46 dhibcood
  3. Erling Haaland (Manchester City) – 22 gool, 44 dhibcood
  4. Igor Thiago (Brentford) – 19 gool, 38 dhibcood
  5. Luis Suárez (Sporting Portugal) – 24 gool, 36 dhibcood
  6. Undav (Stuttgart) – 18 gool, 36 dhibcood
  7. Vedat Muriqi (Mallorca) – 18 gool, 36 dhibcood
  8. Ayase Ueda (Feyenoord) – 22 gool, 33 dhibcood
  9. Panichelli (Strasbourg) – 16 gool, 32 dhibcood
  10. Paul Onuachu (Trabzonspor) – 21 gool, 31.5 dhibcood

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga