Chelsea Oo Guuldaro Weyn Kala Kulantay Everton.

Everton ayaa gaadhay guul muhiim ah kadib markii ay 3-0 kaga adkaadeen Chelsea kulankii wareegga 31-aad ee horyaalka Ingiriiska (Premier League), kaas oo ka dhacay garoonka Hill Dickinson Stadium.

Everton ayaa hoggaanka qabatay daqiiqaddii 34-aad, markii Beto uu gool dhaliyay, caawin ka helay James Garner. Daqiiqaddii 62-aad, isla ciyaaryahankaas ayaa mar kale gool labaad u dhaliyay Everton, isagoo ka helay caawin Idrissa Gueye.

Daqiiqaddii 76-aad, Iliman Ndiaye ayaa dhaliyay goolka saddexaad ee Everton.

Guuldarradan kadib, Chelsea waxay ku hartay 48 dhibcood iyadoo ku jirta kaalinta lixaad, halka Everton ay gaadhay 46 dhibcood, kuna meel gaar ah kaalinta toddobaad.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga