Max Dowman Oo Taariikh Ka Sameeyay Premier League Kadib Goolkii Everton.

Max Dowman oo ah khadka dhexe ee weerarka ee Arsenal, ayaa habeenkii Sabtida sameeyay taariikh cusub kadib guushii 2–0 ee ay ka gaareen Everton ee Premier League.

Arsenal ayaa Everton ku garaacday Emirates Stadium, iyadoo labada gool ee qeybta labaad ay kala dhaliyeen Viktor Gyökeres iyo Dowman.

Sida uu sheegay Opta, Dowman oo 16 sano iyo 73 maalmood jir ah ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee abid gool ka dhaliya Premier League.

Dowman wuxuu ku biiray akademiyada Arsenal 2015, isagoo ka yimid Billericay Town, wuxuuna hadda matalaa xulka  England ee 19 sano jirada.

Kulanka xiga ee Arsenal waa mid ay la leeyihiin Bayer Leverkusen tartanka UEFA Champions League maalinta Talaadada, waxaana Dowman rajeynayaa inuu daqiiqado ciyaaro kulankaas.

Waxaa xusid mudan in labada kooxood 1–1 ku kala baxeen lugtii hore ee wareegga 16-ka ee Champions League toddobaadkii hore ee Jarmalka, iyadoo Dowman markaas kursiga keydka ku jiray oo aan la ciyaarin.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga