Da’yarka Max Dowman ayaa si degan kubbadda ula dhex maray difaaca oo si qurux badan u dhameystiray fursadda, waxaana Emirates Stadium ka kacay qaylo aad u weyn oo laga maqlay garoonka oo dhan.
taasoo muujinaysa in taageerayaasha Arsenal ay rumaysan yihiin in ugu dambayn kooxdoodu ay ka gudbi karto xariiqda guusha oo ay qaadi karto horyaalka.
Arsenal ayaa haatan 9 dhibcood oo cadaan ah ku hogaaminaysa horyaalka premeir League inkasta oo ay Man City hal kulan baaqi u haysato.
Warbixintan waxan ku soo bandhigi doonaa 3 arimood oo laga bartay guushii Arsenal ka gaadhay Everton:
Max Dowman ayaa Arsenal u jiiday guusha.
Noni Madueke xitaa wuu qoslay markii uu u soo dhowaaday Dowman dhamaadka ciyaarta. Afarta dhinac ee Emirates Stadium ka hareeraysan weli waxaa ka socday buuq iyo farxad waali ah.
Dowman ayaa ciyaarta soo galay daqiiqaddii 74-aad, taasina lafteedu waxay ahayd fariin weyn. Iyadoo Arsenal ay ku dhibtoonaysay ciyaarta, tababare Mikel Arteta wuxuu kalsooni siiyay wiil 16 jir ah, isagoo kursiga keydka kaga tagay Gabriel Jesus.
Kalsoonidaas waa la abaal-mariyey, xitaa ka badan intii la filayay, kadib muuqaal ciyaareed aad u cajiib ah oo gaaban.
Max Dowman ayaa ku dhowaad kaligiis u jiiday Arsenal si ay u helaan saddex dhibcood oo aad muhiim u ah.
waxay isku diyaariyeen toddobaad aad u muhiim ah.
Ma jirin wax la yareeyay muhiimada kulankan marka laga eego dhinaca Arsenal.
Iyadoo tartamo kale iyo fasaxii ciyaaraha caalamiga ah (international break) ay mudnaan yeelanayaan toddobaadyada soo socda, Arsenal mar kale ma ciyaari doonto Premier League ilaa ay gurigooda ku qaabilaan AFC Bournemouth bisha April.
Kulankaas ayaa noqon doona kii ugu dambeeyay ka hor inta aysan u safrin Etihad Stadium si ay ula ciyaaraan Manchester City.
Sidaas darteed waxay ahayd muhiim in ay helaan saddexda dhibcood, mar kalena waxay heleen dariiq ay ku gaaraan. Farxadda weyn ee tababare Mikel Arteta, oo ku ordayay agagaarka aagga tababarka waxay mar kale xasuusinaysay muhiimada weyn ee natiijadan.
Arsenal hadda waxay si niyad sare leh u galayaan laba kulan oo muhiim ah iyada oo marka hore la ciyaari doonta Leverkusen champions League ka hor inta ayna la ciyaarin Man City Final-ka Carabao Cup-ka.
Riccardo Calafiori ayaa si weyn u muujiyay saameyntiisa.
Waxaa jira wax soo jiidasho leh marka la daawanayo Calafiori isagoo ka ciyaaraya daafaca bidix ee Arsenal, sababtoo ah – wanaag iyo xumaanba – ciyaartiisu waligeed ma noqoto mid caajis ah.
Tani waxay ahayd bilowgiisii labaad ee horyaalka sanadkan 2026, waxaana 8 daqiiqo gudahood si cad loo arkay waxa uu kooxda ku soo kordhin karo.
Piero Hincapié runtii wuu fiicnaa waayadii dambe, gaar ahaan dhinaca difaaca, laakiin Calafiori wuxuu leeyahay sifooyin gaar ah oo kala duwan oo ka dhigaya ciyaartiisa mid gaar ah—sida weerar ku biirista, kubad qaadista iyo halis uu ku abuuro dhinaca garabka.
Be the first to comment