Kooxda Arsenal ayaa Tallaabo u qaaday ku guulaysiga horyaalka premier League kadib todobaad ay guul dirqi ah gaadhay.
Arsenal ayaa guul 2/0 ah ka gaadhay kooxda Everton kulan goolasha ay Arsenal dhalisay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta.
Gunners ayaa ka faa’iidaystay in ay Man City dhibco ku lumisay West Ham kulan dhacay kadib kulankii Arsenal.
Man City ayaa bar-baro 1/1 ah la gashay West Ham taas oo la macno ah in ay Arsenal 9 dhibcood oo cadaan ah ku hayso hogaanka premier League.
Kooxda Man city oo hal kulan oo baaqi ah haysata ayaa Man City la ciyaari doonta 19 April laakiin horyaalka ayaan ku jirin gacmohooda.
hadda waxaa u harsan 7 kulan oo ka mid ah xilli-ciyaareedka Premier League, halka Manchester City ay u harsan yihiin 8 kulan.
immisa dhibcood ayay u baahan yihiin si ay ugu guuleystaan horyaalka Premier League?
Iyadoo Manchester City ay wali ku tiirsan yihiin in Arsenal ay dhibco lumiyaan kulamada haray, Arsenal weligood kuma aysan jirin xaalad ka raaxo badan tan marka la eego tartanka horyaalka.
Haddii Arsenal ay ku guuleysato dhammaan kulamada uga haray Premier League, oo ay ku jirto inay ka adkaato Manchester City kulanka ka dhici doona Etihad Stadium taariikhda 19-ka April, markaas waxay ku guulaysan karaan horyaalka iyagoo kaliya hal dhibic ka hela kulanka ay la ciyaarayaan West Ham United 9-ka May.
Be the first to comment