Chelsea Oo Guuldaro Kala Kulantay Kooxda Newcastle

Kooxda Chelsea ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Newcastle kulan ka tirsanaa premier League.

Blues ayaa kulanka soo gashay iyada oo ku qasban in ay badiso kadib natiijooyinkii xumaa ee kulamadii ugu dambeeyay.

Daqiiqadii 18-aad ayay Newcastle dhalisay kulanka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Anthony Gordon kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Wixii intaas ka dambeeyay Chelsea ayaa isku dayday in ay ku soo laabato ciyaarta waxana ay samaysay fursado badan.

Laakiin uma suurtagalin in ay dhaliyaan goolka bar-baraha.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Chelsea la kulantay guuldaro xanuun badan taas oo dhaawacdo rajadooda u soo bixista champions League xilli ciyaareedka dambe.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga