Arsenal Oo Garaacday Everton 10 Dhibcoodna Ku Qabatay Hogaanka Premier League.

Kooxda Arsenal ayaa guul wakhti dambe ah ka gaadhay kooxda Everton kulan ka dhacay Emirates kana tirsanaa premier League.

Kulanka ayaa ahaa mid ku adag labada kooxood iyada oo Arsenal maamulaysay ciyaarta isla markaas Everton heshay fursado badan oo halis ah.

Inkasta oo ay Arsenal maamulaysay ciyaarta hadana ma aysan helin fursado badan oo wax ku ool ah inta badan ciyaarta.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-baro gool la’aan ah iyada oo ayna labada kooxood wax gool ah kala dhalin.

Isla qaybtii dambe ayaa ahayd mid la mid ah qaybtii hore labada kooxood ayaa sameeyay fursado badan laakiin midkoodna kubada ma dhex-dhigin shabaqa.

Daqiiqadii 89-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Victior Gyokeres kaas oo ka faa’iidaystay khalad uu sameeyay Goolhayaha Everton.

Da’yarka Max Dowman ayaa dhibcaha u xaqiijiyay kooxda Arsenal isaga oo dhaliyay gool soo gaba-gabeeyay rajadii Everton ee ahayd in ay dhibci kala baxdo kulanka.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal guul dirqi ah gaadhay isla markaas heleen 3-da dhibcood ee ciyaarta.

Arsenal ayaa haatan 10 dhibcood oo cadaan ah ku hogaaminaysa horyaalka iyada oo ku sii dhawaanaysa ku guulaysiga horyaalka.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga