Tababarihii hore ee FC Barcelona, Xavi Hernandez, ayaa sheegay in Lionel Messi uu oggolaaday inuu ku soo laabto Barcelona kaddib markii uu ku guuleystay 2022 FIFA World Cup ee ka dhacay Qatar.
Si kastaba, madaxweynaha kooxda Joan Laporta ayaa diiday in heshiiskaas la fuliyo.
Sida uu sheegay Xavi, Laporta wuxuu ku dooday in soo laabashada Messi ay culays dhaqaale ku noqon doonto Barcelona.
Isagoo la hadlayay La Vanguardia, Xavi wuxuu yiri:“Soo laabashada Leo Messi ee Barcelona waxay ahayd heshiis la dhammeeyay kaddib markii Argentina ay ku guuleysatay Koobka Adduunka. Wax walba waa la isku afgartay”
“Waxaan sidoo kale helnay oggolaanshaha LaLiga, Messi-na wuxuu rabay inuu soo laabto… laakiin Laporta ayaa joojiyay heshiiska.”
“Laporta wuxuu ii sheegay in haddii Leo soo laabto ay dhici karto dagaal mushahar ah (wage war), taasna kooxda ma awoodi karto.”
Be the first to comment