Xavi Oo Sheegay Xiddig Arsenal U Ciyaara Oo Uu Doonayay In Uu Keeno Barcelona Wakhtigii Uu Tababaraha U Ahaa.

Tababarihii hore ee FC Barcelona, Xavi Hernandez, ayaa shaaca ka qaaday inuu mar hore ka codsaday Barcelona inay la saxiixato khadka dhexe ee Arsenal, Martin Zubimendi, xilligii uu ka ciyaarayay Real Sociedad.

Xavi ayaa sheegay in maamulka Barcelona ay diideen inay keenaan ciyaaryahanka xulka Spain national team garoonka Camp Nou.

Zubimendi wuxuu ka ciyaarayay Real Sociedad markii Xavi uu u sheegay maamulka Barcelona inay keenaan, maadaama Sergio Busquets uu ka tagay kooxda Catalan-ka.

Isagoo la hadlayay La Vanguardia, Xavi wuxuu yiri:“Waxaan ka codsaday maamulka Barcelona inay la saxiixdaan Martin Zubimendi, laakiin waxay ii sheegeen maya”

“Waxay ahayd go’aan dhaqaale; waxay saxiixeen ciyaaryahan ka jaban. Laakiin waxaan luminay Busquets, markaas ayaan iri sidee bay suurtagal u tahay inaanan helin Zubimendi?”

Ugu dambayn, Zubimendi wuxuu sanadkii hore kaga soo biiray Arsenal Real Sociedad, wuxuuna noqday ciyaaryahan muhiim ah oo ka tirsan kooxda uu tababaro Mikel Arteta.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga