Ciyaartoyada Man United Oo Doortay Tababarohooda Joogtada Ah.

Ciyaartoyda Manchester United ayaa si weyn u doonaya in tababare Michael Carrick loo siiyo heshiis waqti dheer ah.

Carrick wali lama garaacin tan iyo markii uu noqday tababare, kadib markii uu xilka kala wareegay Ruben Amorim oo shaqada laga eryay 5-tii Janaayo.

Carrick waxaa qandaraaskiisu ku eg yahay dhammaadka xilli-ciyaareedkan, iyadoo maamulka kooxda ay ka fiirsanayaan magacaabid waqti dheer ah.

Warbaahinta The Sun ayaa sheegtay in ciyaartoyda United ay doonayaan inay la shaqeeyaan Carrick xilli-ciyaareedyada soo socda.

Ciyaartoyda waaweyn sida Bruno Fernandes, Harry Maguire iyo Luke Shaw ayaa si weyn ugu ammaanay Carrick qoyskooda iyo asxaabtooda, iyagoo ka hadlay qaabkiisa hoggaamineed iyo xeeladdiisa kubadeed.

Ilo wareed ayaa yiri:

“Michael wuxuu yimid wuxuuna qabtay shaqo aad u wanaagsan sababtoo ah wuxuu keenay isbeddel cusub oo nafis ah.

“Qaar ka mid ah ciyaartoyda way filayeen arrintan, sababtoo ah ku ciyaarista Amorim waxay la mid ahayd ciyaar shax (chess). Waa inaad si buuxda u raacdaa xeerarkiisa, halka Michael uu u sheegay inay naftooda muujiyaan oo si xor ah u ciyaaraan.

“Waxa ay si gaar ah ula dhaceen aqoontiisa kubadda. Wuxuu yaqaanaa ciyaartoyda ka ciyaara horyaallo kale, wuxuuna si cad waqti badan ugu bixiya ka fikiridda iyo la socodka kubadda cagta.

“Ciyaartoydu way ogyihiin in go’aanku aanu gacantooda ku jirin, balse intooda badan way ku farxi lahaayeen haddii si rasmi ah shaqada loogu magacaabo.”

United waxay maanta u boodikartaa kaalinta saddexaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League haddii ay gurigooda ku garaacaan Crystal Palace.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga