4 Kooxood Oo U Gudbay Wareega 16-ka Champions League.

Afarta koox ee ugu horreeya ee ka soo gudbay play-off-yada knockout-ka Champions League ayaa la xaqiijiyay kaddib markii la ciyaaray lugihii labaad Caawa.

Atletico Madrid ayaa 4-1 ku garaacday Club Brugge, taasoo ka dhigtay wadarta guud 6-3.

Alexander Sorloth ayaa dhaliyay saddexley (hat-trick) garoonka Wanda Metropolitano, isagoo kooxda LaLiga u xaqiijiyay booska wareegga 16-ka.

Newcastle ayaa 3-2 kaga adkaatay Qarabag FK kulankii lugta labaad, halka wadarta guud ay noqotay 9-3 kaddib guushii weynayd ee ay ku gaareen Baku.

Bodo/Glimt ayaa si lama filaan ah uga reebtay Inter Milan tartanka, kaddib markii ay 2-1 kaga badisay San Siro, iyadoo wadarta guud noqotay 5-2.

Bayer Leverkusen ayaa sidoo kale xaqiijisay u soo bixitaanka wareegga 16-ka, kaddib markii ay 2-0 wadarta guud kaga adkaatay Olympiakos.

Afartan koox ayaa hadda si rasmi ah uga mid ah 16-ka koox ee ku tartami doona wareegga xiga ee Champions League.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga