Dennis Bergkamp Oo Magacaabay 3-da Weeraryahan Ee Ugu Fiican Wakhti Xaadirkan.

Weeraryahankii hore ee Arsenal, Dennis Bergkamp, ayaa tilmaamay Robert Lewandowski (Barcelona), Harry Kane (Bayern Munich) iyo Karim Benzema (Al-Hilal) inay yihiin saddexda weeraryahan ee ugu fiican dunida waqtigan.

Ciyaaryahankii hore ee kubadda cagta ayaa muujiyay sida uu ula yaabay weeraryahanadan, isagoo ku sifeeyay “cajiib” iyo “aan la rumaysan karin”.

Ninka reer Holland ayaa arrintan ku sheegay isagoo la hadlayay xiddigii hore ee Arsenal Ian Wright barnaamijka The Overlap.

Bergkamp ayaa yiri:
“Waqtigan la joogo, weeraryahanadii ugu habboonaa – sida aan u naqaanay – waa Harry Kane iyo Robert Lewandowski.

“Lewandowski hadda wuxuu gaaray da’ aysan wax walba si fudud ugu iman, laakiin labadan (Kane iyo Lewandowski) waxay ahaayeen kuwo cajiib ah.

“Karim Benzema-na, dhaqdhaqaaqiisa garoonka dhexdiisa waa mid aan la rumaysan

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga