Liverpool Oo Halis Ugu Jirta Rikoodh Xun Oo Ay Dhigeen 45 Sano Ka Hor.

Kooxda Liverpool ayaa wajahaysa halis ah inay bar-bareeyaan rikoor aan la rabin oo socday 45 sano oo ka dhan ah kooxaha horyaalka kusoo cusub, marka ay la ciyaaraan Sunderland kulan ka tirsan Premier League oo ka dhacaya garoonka Stadium of Light habeenka Arbacada.

The Reds ayaa u safri doona Wearside iyagoo qalbi-jab qaba, kaddib guuldarro xanuun badan oo 2–1 ah oo ay gurigooda kaga soo gaartay Manchester City Axaddii, taasoo sii dhaawacday rajadooda ah inay ku dhammeystaan afarta sare.

Ragga uu hogaamiyo Arne Slot ayaa galaya wareegga bartamaha toddobaadka iyagoo shan dhibcood ka hooseeya Manchester United oo ku jira kaalinta afraad, halka United ay si ku-meel-gaar ah u gaari karto farqi siddeed dhibcood ah haddii ay ka adkaato West Ham United.

Natiijooyinka Liverpool ee kooxaha ka soo dalacay heerka 2-aad ee England ayaa ah mid aad u liita xilli ciyaareedka iyaga oo bar-baro la galay Leeds United kulankii ugu dambeeyay.

Ka hor barbarahaas, The Reds ayaa 0–0 la galay Leeds United maalinta sanadka cusub waxayna sidoo kale bisha December la galeen isla Leeds kulan xiiso leh oo ku dhammaaday 3–3.

Maadaama Liverpool ay barbarro la gashay afartii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay kooxaha horyaalka ku cusub, waxay hadda halis ugu jirtaa inay shan kulan oo xiriir ah guul la’aan ka noqoto kulamada noocaas ah horyaalka, markii ugu horreysay tan iyo 1981.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga