Paul Merson Oo Saadaliyay Kulamada Bartamaha Todobaadka Ee Premier League.

Xiddigii hore ee Arsenal, Paul Merson, ayaa saadaaliyay kulamada Premier League ee la ciyaari doono bartamaha toddobaadkan.

Chelsea ayaa martigelin doonta Leeds United garoonka Stamford Bridge habeenka Talaadada, halka West Ham United ay wajihi doonto Manchester United.

Habeenka Arbacada, Manchester City ayaa la ciyaari doonta Fulham garoonka Etihad Stadium, halka Liverpool ay marti u ahaan doonto Sunderland.

Dhanka kale, Arsenal ayaa la ciyaari doonta Brentford kulan marti ah oo ka tirsan Premier League habeenka Khamiista.

Isagoo ka hadlaya saadaashiisa, Merson ayaa yiri isagoo la hadlayay Sportskeeda:

  • Tottenham Hotspur 2-2 Newcastle United

  • Chelsea 3-1 Leeds United

  • Everton 1-1 Bournemouth

  • West Ham United 1-1 Manchester United

  • Nottingham Forest 1-0 Wolves

  • Aston Villa 2-0 Brighton & Hove Albion

  • Crystal Palace 2-0 Burnley

  • Manchester City 3-1 Fulham

  • Sunderland 1-1 Liverpool

  • Brentford 0-2 Arsenal

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga