Shaxda Man United Kaga Hor Tagi Karto West Ham.

Michael Carrick ayaa awoodi kara inuu soo magacaabo isla shaxdii hore ee Manchester United kulankooda Premier League ee ay la ciyaarayaan West Ham.

Dhibaatooyinkii dhaawacyada ee Manchester United ayaa yaraaday tan iyo bilowgii sanadka cusub, taasoo la jaanqaadaysay magacaabista Carrick oo noqday tababaraha ku-meelgaarka ah ee kooxda ilaa dhammaadka xilli-ciyaareedka.

Si kastaba ha ahaatee, Carrick weli ma heli doono Mason Mount iyo Matthijs de Ligt kulanka caawa ee premier League inkastoo uu rajeynayo in Mount uu diyaar u noqon doono kulanka Everton kaddib fasaxa FA Cup-ka.

Matheus Cunha ayaa beddelay Dorgu labadii kulan ee u dambeeyay, isagoo gool ka dhaliyay Fulham, waxaana la filayaa inuu sii heysto booskiisa garabka bidix ee saddexda weerar ee hore.

Carrick waxa kale oo uu haystaa ikhtiyaarka Benjamin Šeško haddii Mbeumo ama Amad ay u baahdaan nasasho, halka Bruno Fernandes la filayo inuu sii wato doorka lambarka 10-aad, isagoo ka ciyaaraya hortooda Casemiro iyo Kobbie Mainoo.

Shaxda Ay Man United Kaga Hor Tagi Karto West Ham:
Lammens; Dalot, Maguire, Martinez, Shaw; Casemiro, Mainoo; Amad, Fernandes, Cunha; Mbeumo

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga