Xiddiga Man City ee Erling Haaland ayaa sii dheeraystay gooldhalinta premier League.
Haaland ayaa dhaliyay gool kulankii ay Man City ka badisay Liverpool kulan ka tirsanaa premier League.
Xiddiga reer Norway ayaa leh 21 gool 25 kulan oo la ciyaaray horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.
Xiddiga ku xiga ayaa ah xiddiga Brentford Igor Thiago kaas oo leh 17 gool ilaa haatan xilli ciyaareedka.
Waxa ku xiga xiddiga Man City ee Antoine Semenyo kaas oo dhaliyay 12 gool ilaa haatan.
Waxa ku xiga xiddiga Leeds United kaas oo dhaliyay 10 gool kaas oo la mid ah xiddiga Liverpool ee Hugo Ekitike.
Be the first to comment