Manchester City ayaa gaartay guul xiiso leh oo 2–1 ah oo ay ka gaareen Liverpool kulankii ugu weynaa wareegga 25-aad ee Horyaalka Premier League-ga Ingiriiska, kaas oo lagu qabtay garoonka Anfield.
Natiijadan kadib, Manchester City waxay dhibcaheeda ka dhigtay 50 dhibcood, iyagoo galay kaalinta labaad, 6 dhibcoodna ka dambeeya hoggaamiyeyaasha Arsenal, halka Liverpool ay ku hartay 39 dhibcood iyagoo ku jira kaalinta lixaad.
Qaybtii hore ee ciyaarta waxaa jiray xawaare sare iyo loollan xooggan oo u dhexeeyay labada kooxood, iyadoo Liverpool ay si cad u haysatay kubadda isla markaana abuurtay fursado badan. Si kastaba ha ahaatee, ciyaartoyda Reds-ka ayaa ku liitay dhammeystirka fursadaha hortooda goolka.
Qaybtii labaad, Liverpool ayaa si buuxda ula wareegtay maamulidda ciyaarta, iyagoo abuuray fursado aad u khatar badan. Nasiib darro iyo saxnaan la’aan awgeed, ma aysan awoodin inay goolal ka dhaliyaan, iyadoo Ekitike uu seegay dhowr fursadood oo cadcad.
Daqiiqaddii 74-aad, Liverpool ayaa ka faa’iideysatay cadaadiskooda, kadib markii Dominik Szoboszlai uu dhaliyay gool qurux badan oo ka yimid laad xor ah, kaas oo ku dhacay tiirka goolka ka hor inta uusan shabaqa gelin, taasoo Donnarumma ka dhigtay kaliya daawade.
Bernardo Silva ayaa ka faa’iideystay fursaddii ugu horreysay ee dhab ah ee Manchester City ay heshay qaybtii labaad, isagoo dhaliyay goolka barbaraha daqiiqaddii 84-aad kaddib caawin uu ka helay Erling Haaland. Daqiiqaddii 90+1-aad, garsooraha ayaa rigoore u dhigay Manchester City, taasoo Erling Haaland uu si guul leh u dhaliyay goolka labaad.
Daqiiqaddii 90+10-aad, Manchester City ayaa dhalisay gool saddexaad kadib weerar rogaal-celis degdeg ah oo uu ku dhammeystiray Cherki, balse garsooraha ayaa goolka diiday kaddib la-tashi uu la yeeshay VAR, sababo la xiriira qalad uu Szoboszlai ku galay Haaland intii ay socotay dhacdada goolka. Sidaas darteed, garsooraha ayaa Szoboszlai u taagay kaarka cas, wuxuuna Manchester City siiyay laad xor ah oo bannaanka xerada ganaaxa ah.
Be the first to comment