Bruno Fernandes Oo Isku Qoray Taariikhda Man Unted

Kabtanka kooxda Man United Bruno Fernandes ayaa isku qoray taariikhda kooxda Man United.

Bruno ayaa Man United ku hogaamiyay guul ay ka gaadheen kooxda Tottenham kulan ka dhacay Old Trafford kana tirsanaa premier League.

Xiddiga Bruno ayaa dhaliyay goolka 2-aad ee kooxdiisa kulankii ay Man United ka badisay Tottenham isaga oo sii wada ku lug lahaanshaha joogtada ah ee kooxda.

Bruno ayaa ku lug lahaa 200 oo gool Man United premier League tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda.

Xiddiga reer Portugal ayaa dhaliyay 104 gool halka uu caawiye ka noqday 96 kale premier League.

Waxa uu ku jiraa kaalinta 2-aad ee xiddigaha ugu badan ee ku lug leh goolasha ugu badan taariikhda premier League ee Man United.

Halkan hoose kaga bogo xiddigaha ugu lug lahaanshaha badan goolasha Man United taariikhda premier League:

295 – Wayne Rooney (133 gool, 67 caawin)

314 – Bruno Fernandes (104 gool, 96 caawin)

339 – Cristiano Ronaldo (144 gool, 56 caawin)

393 – David Beckham (85 gool, 115 caawin)

424 – Ryan Giggs (90 gool, 111 caawin)

564 – Paul Scholes (138 gool, 62 caawin)

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga