Luis Enrique Oo Ka Jawaabay Dalab Ay Man United Ka Gudbisay Si Uu U Noqdo Tababaraha Cusub Ee Kooxda.

Luis Enrique ayaa diidi doona inuu u wareego Manchester United, isagoo doorbiday inuu saxiixo heshiis cusub oo uu la galo Paris Saint-Germain (PSG).

United ayaa Enrique ka dhigtay mid ka mid ah bartilmaameedyadooda ugu muhiimsan ee ay ku raadinayeen tababare joogto ah, iyadoo la sheegay in wakiillo ka socday United ay u safreen Paris si ay ula yeeshaan wadahadallo tababaraha hore ee Barcelona.

Heshiiskiisa hadda ee PSG, kooxda uu hogaamiyay xilli-ciyaareedkii hore ilaa guusha Champions League, wuxuu socdaa ilaa dhamaadka 2026-27. Waxaa la soo jeediyay in United ay isku dayday inay Enrique ka dhaadhiciso inuusan saxiixin heshiis cusub, balse Enrique ayaa doorbiday inuu sii joogo PSG.

Laakiin waxaa la fahamsan yahay inuu aaminsan yahay in hogaaminta Manchester United aysan ahayn mashruuca ku habboon isaga.

Sidoo kale, wuxuu ka qabaa shaki ku saabsan hogaaminta koox laga yaabo inay usan ka qeybgalin Champions League xilli-ciyaareedka soo socda.

Tababaraha 55-jirka ah, Luis Enrique, ayaa wadahadallo la galay agaa-saaraha ciyaaraha PSG, Luis Campos, si uu u saxiixo heshiis cusub oo ka dhigi doona inuu ku sii nagaado Parc des Princes ilaa 2030.

Enrique wuxuu leeyahay xiriir xooggan oo shaqo la leh Campos, kaasoo sidoo kale dhawaan saxiixay heshiis kordhin.

Wararkan ayaa noqday nasiib-darro u ah milkiilayaasha Manchester United, Sir Jim Ratcliffe iyo qoyska Glazer, iyadoo la og yahay in Ratcliffe uu si weyn u qadariyo Enrique, sidoo kalena uu ka mid ahaa bartilmaameedyadooda ugu muhiimsan.

Michael Carrick ayaa hadda noqday tababare ku-meel-gaar ah, iyadoo madaxda kooxda ay qorsheynayaan inay xagaaga doortaan tababare joogto ah.

Madaxda Old Trafford waxay raadinayaan qof ka adkaan kara cadaadiska weyn iyo filashooyinka la socda hogaaminta kooxda, iyadoo aan la shaki gelin karin khibradda maamul ee heerka ugu sareeya ee uu Luis Enrique leeyahay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga