Chelsea ayaa Isniintii ku dhawaaqday saxiixa Yisa Alao oo ay kala soo wareegeen Sheffield Wednesday.
Kooxda Blues ayaa arrintan shaacisay iyagoo ku qoray boggooda rasmiga ah, ka hor kulankooda UEFA Champions League ee ay Arbacada la ciyaarayaan Napoli.
Alao, oo ka ciyaara difaaca bidix, ayaa heshiis la gaaray Chelsea kaas oo soconaya ilaa sanadka 2028.
Ciyaaryahanka 17-jir ah ayaa kasoo baxay akadeemiyada Sheffield Wednesday, wuxuuna kulankiisii ugu horreeyay ee heerka koowaad u saftay Owls bishii Ogosto ee la soo dhaafay.
Tan iyo markaas, Alao wuxuu ciyaaray afar kulan oo kale, isagoo ku bilaabtay kulankii FA Cup ee ay dhawaan la ciyaareen Brentford iyo ciyaartii Championship ee ay la yeesheen Portsmouth.
“Ku soo dhowow Chelsea, Yisa,” ayaa lagu yiri qayb ka mid ah bayaanka Chelsea.
Be the first to comment