Roy Keane Oo Shaaca Ka Qaaday Tababaraha Xiga Ee Uu Doonayo In Uu Badalo Michael Carrick

Roy Keane ayaa sheegay in Michael Carrick uusan ahayn inuu ku jiro liiska musharrixiinta loo magacaabayo tababaraha xiga ee Manchester United.

Carrick ayaa loo magacaabay tababaraha ku-meel-gaarka ah ee Manchester United ilaa dhammaadka xilli-ciyaareedka, kaddib markii bilowgii sannadka xilka laga eryay Ruben Amorim, wuxuuna bilaabay shaqadiisa si aad u wanaagsan oo la amaanay.

Kaddib markii uu Manchester United ku hoggaamiyay guul derby ah oo ay si mudan uga gaareen Manchester City dhammaadkii usbuucii hore, ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ayaa Axaddii ku xigay inuu Arsenal gaarsiiyo guuldarradeedii ugu horreysay ee garoonkeeda xilli-ciyaareedkan.

Si kastaba ha ahaatee, Keane ma aaminsana in guulaha ay Manchester United ka gaartay Manchester City iyo Arsenal laba toddobaad oo isku xiga ay sabab u yihiin in Carrick lagu daro musharrixiinta xilka tababaraha joogtada ah ee Manchester United.

Xaqiiqdii, halyeyga kooxda ayaa carrabka ku adkeeyay in “tababare ka weyn oo ka fiican” uu qasab ku yahay inuu yimaado Old Trafford xagaagan.

Isagoo la hadlayay Sky Sports, Keane wuxuu yiri:“Laba bandhig oo aad u wanaagsan ayay ahaayeen, balse qof kasta wuu badin karaa laba kulan”

“Haddii United ay badiyaan kulan kasta ilaa dhammaadka xilli-ciyaareedka, weli anigu shaqada ma siin lahaa. Weli kuma qanci lahaa inuu yahay ninka ku habboon shaqadan. Gebi ahaanba maya.”

“Waxay u baahan yihiin tababare ka weyn oo ka tayo sarreeya. Marka la eego baaxadda kooxda iyo caqabadaha ay wajahayaan sannadaha soo socda, waxaad rabtaa tababare aad rumeysan tahay inuu ku hoggaamin karo ku guuleysiga horyaalka.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga