Arsenal ayaa ku guuldarreysatay inay sii hayso farqigii todobada dhibcood ahaa ee ay ku hoggaaminaysay horyaalka Premier League, kaddib markii guuldaro 3/2 ah kala kulantay kooxda Man United.
Gunners-ka ayaa kulanka soo galay iyagoo og in kooxaha ay kula tartamayaan horyaalka — Manchester City iyo Aston Villa — ay labaduba badiyeen kulamadoodii toddobaadkan.
Manchester City ayaa gurigeeda ku garaacday Wolves 2–0, halka Aston Villa ay 2–0 kaga adkaatay Newcastle United kulan hore oo maanta dhacay.
Arsenal ayaa hoggaanka qabatay qeybtii hore ee ciyaarta kaddib gool is-dhalin ah oo uu sameeyay Lisandro Martínez, balse Bryan Mbeumo ayaa ka faa’iideystay qalad difaac si uu u dhaliyo goolka barbaraha 1–1 ka hor nasashada.
Patrick Dorgu ayaa Manchester United hoggaanka u dhiibay gool qurux badan oo uu meel fog ka toogtay.
Inkasta oo Mikel Merino uu gool barbardhac ah ka dhaliyay daqiiqadihii dambe kana dhigay 2–2, haddana Matheus Cunha ayaa helay waqti uu ku dhaliyo goolka guusha.
Ragga uu hogaamiyo Mikel Arteta ayaa hadda kaliya afar dhibcood ku horreeya hoggaanka horyaalka, halka Manchester United ay haatan ku jirto kaalinta afraad ee kala sarreynta.
Be the first to comment