Bryan Mbeumo Oo Taageerayaasha Man United Xasuusiyay Marcus Rashford.

Kooxda Man United ayaa Adduunka ka yaabsatay kadib markii ay Garaacday kooxda Arsenal Ee hogaamiyayaasha Horyaalka premier league.

Goolal ay Dhaliyeen Mbeumo, Dogru, iyo Cunha ayaa Man United Ka caawiyay in ay garaacaan kooxda Arsenal.

Xiddiga Mbeumo ayaa Sii wada ugaarsiga kooxaha Waaweyn.

Xiddiga reer Cameroon ayaa Gool ka dhaliyay kooxaha Man City, Arsenal iyo Liverpool Xilli Ciyaareerdkan Premier League.

Bryan Mbeumo waa ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Manchester United ah ee hal xilli Premier League ah gool ka dhaliya Arsenal, Man City iyo Liverpool tan iyo Marcus Rashford xilli-ciyaareedkii 2022–23, sidoo kalena waa ciyaaryahankii ugu horreeyay ee sidaas sameeya xilli-ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee kooxda tan iyo Robin van Persie xilli-ciyaareedkii 2012–13.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga