Wararka ayaa sheegaya in Chelsea ay u aragto Cole Palmer in uu yahay mid aan la taaban Karin ka hor suuqa kala iibsiga xagaaga.
Palmer ayaa si degdeg ah isu muujiyay inuu ka mid yahay ciyaartoyda ugu muhiimsan Chelsea kaddib markii uu 2023 kaga soo wareegay Manchester City lacag dhan £40 milyan.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa xilli-ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Chelsea ku dhammeystay 27 gool iyo 15 caawin — taasoo ka dhigtay ciyaaryahankii ugu saameynta badnaa goolasha (goolal + caawin) Premier League-ga xilligaas.
Inkasta oo waxqabadka 23-jirkan uu hoos u dhacay tan iyo markaas, taas oo ay qayb ka tahay dhaawacyo soo noqnoqday, haddana Palmer weli waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican Chelsea, waxaana la filayaa inuu noqdo xubin muhiim ah oo xulka England u matala Koobka Adduunka ee xagaagan.
Hoos u dhaca dhawaanahan ku yimid waxqabadka Palmer ayaa dhaliyay mala-awaal sheegaya inuu ka tagi karo Stamford Bridge, iyadoo kooxaha ay xafiiltamaan ee Manchester City iyo Manchester United xitaa si hordhac ah loola xiriiriyay inay xagaaga u dhaqaaqi karaan.
Wargeyska The Sun ayaa sheegay in Palmer uu wax yar ka deggenaan la’yahay Chelsea, isla markaana uu tabayo Manchester, halkaas oo uu ku dhashay kuna barbaaray.
Si kastaba ha ahaatee, dareennadaas waligood si cad ugama uusan hadlin ciyaaryahanku, halka The Telegraph ay gabi ahaanba beeniyeen suurtagalnimada in Chelsea ay iibinayso Palmer.
Waxaa la sheegaya in Palmer ay madaxda Stamford Bridge u arkaan “lama taabtaan”, kana mid yahay qorshaha kooxda ee mustaqbalka.
Be the first to comment