Chelsea Oo Garaacday Crystal Palace, Liverpool-na Kala Baxday Kaalinta 4-aad.

Chelsea waxay guul mudan ku gaartay 3-1 Crystal Palace kulan ka tirsanaa wareegga 23-aad ee Horyaalka Ingiriiska (Premier League), kaas oo ka dhacay garoonka Selhurst Park.

Chelsea ayaa hoggaanka qabatay daqiiqaddii 34-aad kadib gool uu dhaliyay Estevao, halka Joao Pedro uu dhaliyay goolka labaad ee Blues daqiiqaddii 50-aad, caawin ka helay isla Estevao.

Daqiiqaddii 64-aad, Enzo Fernandez ayaa goolka saddexaad u dhaliyay Chelsea kaddib rigoore. Crystal Palace ayaa ciyaarta ku dhammeystay 10 ciyaaryahan, kaddib markii Adam Wharton laga saaray kaarka cas daqiiqaddii 73-aad.

Crystal Palace waxay heleen goolkooda kaliya daqiiqaddii 88-aad, kaas oo uu dhaliyay Chris Richards.

Guushan kadib, Chelsea waxay dhibcaheeda ka dhigtay 37 dhibcood, taas oo si ku-meel-gaar ah ugu qaaday kaalinta afaraad, halka Crystal Palace ay ku hartay 28 dhibcood, iyagoo ku jira kaalinta 15-aad.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga