Van Dijk Oo Magacaabay Xiddig Uuna Doonayn In Uu Ka Tago Liverpool Suuqa January.

Virgil van Dijk wuxuu si cad u muujiyay inuu doonayo in Andy Robertson uu sii joogo Liverpool, xilli wadahadallo ay socdaan oo u dhexeeya Liverpool iyo Tottenham Hotspur oo ku saabsan suuragalnimada in Robertson uu u wareego Spurs ka hor inta uusan xidhmin suuqa kala iibsiga bisha January.

Robertson horey ayuu ugula jiray Liverpool wadahadallo ku saabsan heshiis cusub, balse toddobaadkan ayay Tottenham si lama filaan ah u soo bandhigtay dalab.

Labada kooxood ayaa hadda si qoto dheer ugu jira wadahadallo, iyadoo aan weli go’aan kama dambeys ah la gaarin.

Liverpool  waxay qirayaan isla markaana qiimeynayaan adeegga heerka sare ah ee uu ku soo kordhiyay ku-xigeenkooda kabtanka intii lagu jiray sideed sano iyo bar ee uu joogay kooxda.

Waxaa sidoo kale la rumeysan yahay in kabtanka xulka Scotland uu doonayo inuu helo fursad joogto ah oo uu ugu ciyaaro kooxda koowaad, si uu ugu diyaargaroobo ka qaybgalka Koobka Adduunka ee ugu horreeya ee dalkiisa tan iyo 1998, kaas oo dhici doona dabayaaqada sanadkan.

Van Dijk wuxuu shaaca ka qaaday inuu wadahadallo kala yeeshay ku-xigeenkiisa kabtanka arrimaha la isla dhexmarayo, wuxuuna rajeynayaa in daafaca bidix ee khibradda leh uu ugu yaraan sii joogi doono Anfield inta ka harsan xilli-ciyaareedkan. Heshiiskiisuna wuxuu ku egyahay xagaaga, sida ay werisay Liverpool Echo.

“Dabcan waan la hadlaa,” ayuu yiri Van Dijk.

“Maalin kasta ayaan la hadlaa, waa ku-xigeenkayga kabtanka. Robbo waa xubin aad muhiim ugu ah kooxdeena, waana doonayaa inuu sii joogo, balse wixii dhaca, aan aragno.”

“Ma filayaa inuu halkan joogo Arbacada [kulanka Qarabag]? Taasi aniga iguma xirna, sow ma aha? Aan ka hadalno [xusuusteyda ugu wanaagsan ee isaga] marka [wareejin] ay dhacdo.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga