Guardiola Oo Sharaxay Sababta Uu Kaydka U Dhigay Haaland.

Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa sharaxay sababta uu uga reebay Erling Haaland safkiisa koowaad kulanka Premier League ee ay ka badiyeen Wolves

Haaland ayaa haatan ku jira xaalad uu siddeed kulan oo xiriir ah wax gool ah ka dhalin ciyaar furan.

Weeraryahanka Norway ayaa horay ugu soo bilowday dhammaan 22-kii kulan ee horyaalka ilaa hadda, wuxuuna dhaliyay 20 gool.

Si kastaba ha ahaatee, Guardiola ayaa go’aansaday inuu kulankan ku soo bilaabo Omar Marmoush, oo dhowaan ka soo laabtay waajibaadkii xulkiisa ee AFCON.

“Ciyaaro badan ayaa jira. Waxaan rabaa in yar inaan maskaxdiisa iyo jirkiisaba nasiyo,” ayuu Guardiola u sheegay Sky Sports.

“Haa, xulashada mar walba waxay ku saleysan tahay waxa aan aaminsanahay inuu maanta yahay kan ugu fiican.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga