Kooxda Liverpool ayaa durba bilowday in ay la soo saxiixato badalka xiddiga Andy Robertson kaas oo ku dhaw in uu ku biiro kooxda Tottenham.
Andy Robertson ayaa ku dhaw in uu ku biro kooxda Tottenham iyada oo xiddiga reer Scotland uu qarka u saaran yahay in uu ku biiro Spurs.
Liverpool ayaa dib u soo celinaysa xiddiga Kostas Tsimikas kaas oo amaah ugu jooga kooxda AS ROMA.
Xiddiga Kostas Tsimikas ayaa xagaagii amaah ugu biiray kooxda reer Italy ee AS Roma.
Kooxda AS ROMA ayaa dhinaceeda diyaar u ah in ay iska fasaxdo xiddiga maadama ayna ku qancin waxqabadkiisa.
Be the first to comment