Alexander-Arnold Oo Loo Sheegay In Uu Isaga Tago Real Madrid, Sabab.

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Álvaro Arbeloa ayaa la fadhiista xiddiga Real Madrid ee Alexander-Arnold Si uu ugala hadlo mustaqbalkiisa kooxda.

Arbeloa ayaa dhawaan loo dhiibay shaqada Real Madrid isaga oo badalay tababare Xabi Alonso oo shaqada laga caydhiyay.

Sida laga soo xigtay ElNacional.cat, Arbeloa ayaa u sheegay Trent in uu raadsado koox kale maadama uuna ka mid ahayn qorshaha kooxda.

Xiddiga Trent Alexander-Arnold ayaa ku biiray Real Madrid xagaagii isaga oo ka tagay kooxdii yaraantiisa ee Liverpool.

Laakiin xiddiga ayaa haatan loo sheegay in uu raadsado koox cusub maadama uuna ka mid ahayn qorshaha kooxda ee xilli ciyaareedka dambe.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga