Xiddigii hore ee Liverpool Jermaine Pennant ayaa saadaaliyay in Liverpool ay ka adkaan doonto Arsenal haddii ay ku kulmaan wareegyada bug-bixinta ee UEFA Champions League.
Liverpool waxay aad ugu dhowdahay inay xaqiijiso booska siddeedda sare ee marxaladda horyaalka tartanka kaddib markii ay si fudud 3–0 ugu garaaceen Marseille Arbacadii.
Arsenal ayaa haatan hoggaanka u haysa horyaalka, waxayna ka mid tahay laba kooxood oo kaliya oo durba xaqiijistay inay gaareen wareegga 16-ka Champions League.
Isagoo la hadlayay talkSPORT, Pennant wuxuu sheegay in Liverpool ay ka xoog badan tahay Champions League, isla markaana uu rumeysan yahay in ay tartankaas ku fiicnaan doonaan xilli-ciyaareedkan marka loo eego Premier League.
Xiddigii hore ee garabka uga ciyaari jiray Liverpool iyo Arsenal ayaa sheegay in Reds ay taariikh u leeyihiin inay si ka wanaagsan u ciyaaraan Champions League.
“Waxay haystaan asal sax ah iyo aqoon sax ah, waxaana aaminsanahay inay si aad u wanaagsan u ciyaari doonaan Champions League xilli-ciyaareedkan marka loo eego Premier League,” ayuu yiri.
Markii la weydiiyay in Liverpool ay ka dhowdahay ku guuleysiga UCL marka loo eego Gunners Pennant , sheegay in Reds ay leeyihiin waayo-aragnimada loo baahan yahay, maadaama ay ku guuleysteen lix jeer hore.
“Haa, si dhab ah ayaan u aaminsanahay, sababtoo ah Liverpool waxay ku guuleysatay Champions League lix jeer,” ayuu sii raaciyay.
“Waxay leeyihiin asal iyo faham ku saabsan waxa ay qaadaneyso in la gaaro heerkaas lagana soo baxo guuleyste. Waxaan rumeysanahay in Liverpool ay ka adkaan doonto Arsenal haddii ay noqoto laba kulan oo is-dhaaf ah.
“Waxaan dhihi lahaa Liverpool waxay fursad ka wanaagsan u leedahay ku guuleysiga marka loo eego Arsenal, sababtoo ah lix jeer ayay hore u qaadeen. Waxay leeyihiin asal iyo xirfad ay ku dhaafi karaan xariiqda marka ay runtii muhiim noqoto.
“Laba kulan marka la ciyaarayo, Liverpool waxay aadi doontaa Emirates, ciyaarta way adkeyn doontaa, kaddibna waxay ku soo laaban doontaa Anfield. Haddii ay ka dhigaan Anfield mid kacsan habeen Champions League ah, waa meel aad u xun oo la booqdo. Waxaa jira wax gaar ah marka Arsenal ay ku ciyaarto Anfield.”
Be the first to comment