Xiddigii hore ee weerarka Real Madrid, Michael Owen, ayaa saadaaliyay in Manchester United ay dib u fariisan doonto isla markaana weerarro degdeg ah ku qaadi doonto Arsenal marka ay labada kooxood ku kulmaan Premier League Bilowga toddobaadka dambe.
Arsenal ayaa martigelin doonta Red Devils kulanka ka dhacaya Emirates Stadium.
Isagoo ka hadlaya kulanka, Owen wuxuu aaminsan yahay in Man United ay ciyaarta ula dhaqmi doonto sida ay ula ciyaartay Manchester City kulankoodii hore ee Premier League.
Xiddigga reer England ayaa u sheegay Premier League Productions:
“Hadda Manchester United waxay u safri doontaa Arsenal, ciyaartuna waxay noqon doontaa mid aad ugu eg tii Man City.
“Inta badan kubadda iyaga ma hayn doonaan. Waxay dib u fariisan doonaan si qoto dheer.
“Weerar ahaan waxay ku tiirsanaan doonaan xawaare. Uma maleynayo inay ka baqayaan inay u safraan Arsenal oo ay dib u fariistaan, kuna ciyaaraan awooddooda sida ay sameeyeen dhammaadka toddobaadka.”
Be the first to comment