Lewandowski Oo ku dhow In Uu Bar-Bareeyo Rikoodh Uu Messi Dhigay.

Xiddiga reer Poland Robert Lewandowski ayaa sii xoojinaya kaalintiisa taariikheed ee Tartanka Horyaallada Yurub (Champions League), kaddib markii uu furay goolashiisa xilli-ciyaareedka hadda socda ee tartanka, isagoo hal koox oo kaliya u jira inuu la simo rikoor uu hore u dhigay Lionel Messi markii uu u ciyaarayay Barcelona, sida ay xaqiijisay wargeyska Isbaanishka ah ee Mundo Deportivo.

Lewandowski ayaa dhaliyay goolkiisa kaddib daba-gal uu ku sameeyay kubbad uu soo qaaday Marcus Rashford, taas oo siisay kooxda uu tababaro Hans Flick kalsooni dheeraad ah isla markaana kordhisay farqiga goolasha. Goolkaasi wuxuu mar kale caddeeyay doorka go’aaminta leh ee weeraryahanka Polish-ka ah ku leeyahay tartanka qaaradda, kaas oo uu ka yahay gooldhaliyaha saddexaad ee ugu badan taariikh ahaan.

Sida uu wargeysku sheegay, Lewandowski wuxuu gool ka dhaliyay 16 xilli oo kala duwan oo Champions League ah, tiro la mid ah tan ay gaareen Cristiano Ronaldo iyo Thomas Müller, waxaana uu labo xilli oo kaliya ka hooseeyaa Lionel Messi iyo Karim Benzema. Sidoo kale, wuxuu gool ka dhaliyay 39 kooxood oo kala duwan oo ka qeybgalay tartanka, isagoo hal koox u jira inuu la simo rikoodhka Messi oo shabaqa ka taabtay ugu yaraan 40 kooxood.

Wargeysku wuxuu xusay in kulanka Copenhagen ee wareegga ugu dambeeya ee marxaladda koowaad uu Lewandowski siin karo fursad taariikhi ah oo uu ku la simo rikoodhkaas, xilli uu dib u helay dareenkiisii gooldhalinta xilli-ciyaareedkan ee horyaalka Spain, Super Cup-ka iyo Champions League.

Warbixintu waxay sidoo kale xaqiijisay in Lewandowski, inkastoo uu xilli-ciyaareedkan booska weerarka la wadaago Ferran Torres, uu dhaliyay 11 gool islamarkaana bixiyay 2 caawin 23 kulan oo uu ciyaaray, taasoo sii hurineysa doodda ku saabsan mustaqbalkiisa, iyadoo tirooyinkiisu ay u dhow yihiin heerkii uu ku jiray xilli-ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee uu la qaatay Barcelona.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga