Bogga Football Transfers ayaa sheegay in kooxda Manchester United ay u badan tahay inay u furnaato soo laabashada weeraryahankooda Ingiriiska ah Marcus Rashford, marka uu dhammaado heshiiska amaahda ee uu kula joogo Barcelona.
Warbixintu waxay tilmaamtay in ay jireen wada-hadallo u dhexeeya masuuliyiinta labada kooxood oo ku saabsan mustaqbalka ciyaaryahanka 28-jir ah.
Inkasta oo Rashford uu soo bandhigayo qaab-ciyaareed wanaagsan intii uu la joogay Barcelona, isla markaana kooxda reer Catalonia ay doonayso inay sii haysato, haddana suurtagalnimada inuu ku laabto Manchester United xilli-ciyaareedka soo socda meesha lagama saarin gaar ahaan haddii Barcelona ay ku adkaato bixinta kharashka lagu iibsan karo.
Manchester United waxay u aragtaa soo laabashada Rashford fursad ay ku xoojin karto weerarka, maadaama uu ciyaaryahanku mar kale caddeeyay awooddiisa inuu soo bandhigo qaab ciyaareed fiican.
Horumarka muuqda ee uu hadda ka sameynayo Barcelona ayaa sabab kale u ah in kooxda Man ay u furnaato fikirka ah soo laabashadiisa, gaar ahaan kaddib markii uu ka fiicnaaday ciyaartoy kale oo kooxda ka tirsan sida Matheus Cunha.
Be the first to comment