Kooxda Arsenal ayaa garaacday Inter Milan kadib markii ay guul 3/1 ah ka gaadheen Inter oo joogta garoonkeeda kulan ka tirsanaa tartanka champons League.
Arsenal ayaa goolka furitaanka si degdeg ah u dhaliyay daqiiqaddii 10-aad, waxaana saxiixay Gabriel Jesus, ka hor inta uusan Inter Milan barbardhaca keenin daqiiqaddii 18-aad, waxaana dhaliyay Petar Sucic. Jawaabta kooxda London ma aysan daahin, iyadoo Gabriel Jesus mar kale dhaliyay goolka labaad ee Arsenal daqiiqaddii 31-aad.
Qaybtii labaad ee ciyaarta, Arsenal ayaa sii waday ciyaar wanaaggii ay ku jirtay, waxaana guusha si rasmi ah u xaqiijiyay goolka saddexaad oo uu dhaliyay Viktor Gyökeres daqiiqaddii 84-aad, taasoo caddeysay guul ay ku gaareen garoon marti ah.
Guushan kaddib, Arsenal ayaa xoojisay hoggaanka kala sarreynta iyagoo leh 21 dhibcood, isla markaana xaqiijiyay u gudbidda wareegga 16-ka ee Champions League, halka Inter Milan ay ku hakadeen 12 dhibcood, iyagoo ku jira kaalinta siddeedaad.
Be the first to comment