Waxa ay maalmo yar inaga xigaan furitaanka suuqa January iyada oo kooxaha kala duwan isku diyaarinayaan in ay xoojiyaan kooxohooda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.
Xiddigo badan oo kala duwan ayaa sidoo kale isku dayi doona in ay ku biiraan kooxo ay joogto ugu ciyaaraan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.
Hadaba waxa aan halkan ugu soo bandhigi doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga adiga oo si joogto ah maalin walba ugala socon doona kooxda.com.
Weeraryahanka Arsenal Gabriel Jesus ayaa waxaa doonaya kooxda Palmeiras. Ciyaaryahanka 28-jir ah ayaa ka soo kabtay dhaawac muddo dheer hayay, balse qandaraaskiisu wuxuu dhacayaa sannadka 2027, waxaana suuragal ah inuu dib ugu laabto Brazil (Mail).
Manchester United ayaa si dhow ula socda khadka dhexe ee Sunderland Noah Sadiki oo 21 jir ah, waxaana suurtagal ah inay miiska saaraan heshiis is-weydaarsi ah oo ay ku dari doonaan khadka dhexe ee Uruguay Manuel Ugarte (24 jir) si ay u helaan xiddiga reer Congo (Give Me Sport).
Liverpool iyo Ibrahima Konaté ayaa weli isku afgaran waayay heshiis cusub. Xiddiga reer Faransiis ee 26 jirka ah, oo xilli-ciyaareedkiisii shanaad ku jira Anfield, ayaa aaminsan in uu mudan yahay in uu noqdo mid ka mid ah difaacyada ugu mushaharka badan Premier League (Teamtalk).
Sidoo kale Liverpool ayaa laga yaabaa inay tallaabo u qaaddo beddelka Konaté iyagoo la wareegaya difaaca Tottenham Micky van de Ven, iyadoo Real Madrid ay sidoo kale si dhow ula socoto mustaqbalka difaaca reer Netherlands ee 24 jirka ah (Teamtalk).
Chelsea ayaa u muujisay Real Madrid inay diyaar u yihiin inay iibiyaan khadka dhexe ee Argentina Enzo Fernández, oo 25 jir ah, sannadkan gudihiisa (Teamtalk).
Manchester United ayaa diyaar u ah inay kula tartamaan Napoli iyo Atletico Madrid saxiixa khadka dhexe ee Wolves João Gomes, oo 24 jir ah kana soo jeeda Portugal (Caught Offside).
Kooxda Barcelona ayaa doonaysa saxiixa tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta si ay ugu badalaan Hansi Flick (Diario Sport ).
Manchester United ayaa la soo sheegayaa inay si dhow ula socdaan khadka dhexe ee Barcelona Marc Casado (Mundo Deportivo).
Man United ayaa kooxda Ajax ka diiday saxiixa xiddiga Khadka dhexe ee Manuel Ugarte (The Athletic).
Be the first to comment