DEG-DEG: Marc Guehi Oo Tijaabada Caafimaadka U Maraya Man City.

Marc Guehi ayaa maanta lagu wadaa inuu baaritaan caafimaad ku maro Manchester City, ka hor inta uuna £20 milyan ugu wareegin kooxda.

Guehi laguma darin liiska ciyaartoyda Palace ee shalay 2–1 looga adkaaday Sunderland, iyadoo uu sii dhowaanayo ku biirista Etihad Stadium.

Daafaca xulka England ayaa ogolaaday inuu la shaqeeyo Pep Guardiola, taasoo noqoneysa xoojin weyn oo u soo hoyata City dagaalka ay kula jiraan Arsenal ee horyaalka Premier League.

Daafaca reer England ayaa ogolaaday heshiis 5 sano ah oo uu ku joogayo kooxda Man City.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga