XASAASI: Arne Slot Oo Loo Qabtay Wakhti Uu Ku Badbaadiyo Shaqadiisa Liverpool.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay shaqada ka caydhin doonto tababare Arne Slot hadii ay kooxdu sidan iska badali wayo.

Warark ayaa sheegaya in ay maamulka Liverpool u qabteen laba kulan oo uu ku badbaadiyo shaqadiisa.

Maamulka Liverpool ayaa u sheegay Slot in uu shaqadiisa waayi doono hadii ay kooxdu guuldarooyin kala kulanto kooxaha Marsille Iyo Bournemouth labada kulan ee soo socda.

Liverpool ayaa Arbacada la ciyaari doonta kooxda Marsille tartanka champions League halka ay la ciyaari doonto kooxda Bournemouth todobaadka dambe premier League.

Slot ayuu saaran yahay cadaadis xoogan tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan iyada oo kooxdu ka hadhay difaacashada koobka ay ku guulaystay xilli ciyaareedkii hore.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga