Arsenal OO Seegtay Fursad Ay Rikoodh Taariikhi Ah Ku Dhigi Lahayd Kulankii Nottingham Forest.

Barbardhacii 0–0 ahaa ee dhex maray Arsenal iyo Nottingham Forest kulankii shalay ayaa xaqiijiyay in Arsenal aysan gaari karin 100 dhibcood horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkan.

Marka la eego xisaabta dhibcaha, xitaa haddii Gunners ay ku guuleystaan dhammaan kulamada ka haray ilaa dhammaadka xilli-ciyaareedka, ma gaari doonaan 100 dhibcood, kaddib markii ay dhibco badan lumiyeen wareegyadii hore.

Iyadoo xaaladdan ay jirto, kooxda reer London waxay seegtay fursaddii ay ku gaari lahayd guul taariikhi ah oo ah inay jebiso ama gaarto rikoodhka dhibcaha ugu badan, taasoo weli ah mid gaar u ah Manchester City.

Manchester City ayaa xilli-ciyaareedkii 2017/2018 noqotay kooxdii keliya ee taariikhda Premier League ku guuleysata inay hal xilli ku ururiso 100 dhibcood, waana rikoodh aan weli koox kale gaari ama la simin ilaa hadda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga