Agbonlahor Oo Sheegay Tirada Koobabka Ay Arsenal Ku Guulaysan Karto Xilli Ciyaareedkan.

Weeraryahankii hore ee Aston Villa, Gabriel Agbonlahor, ayaa sheegay in Arsenal ay si “fudud” ugu guuleysan karto dhammaan tartamada ay ka qeyb-galayso xilli-ciyaareedkan.

Kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta ayaa haatan hoggaanka u haysa labada Premier League iyo Champions League.

Gunners-ka ayaa Chelsea 3–2 kaga adkaaday lugtii hore ee semi-finalka Carabao Cup, waxaana ay wajahayaan Wigan wareegga shanaad ee FA Cup-ka.

“Kooxaha kale ee Premier League-ga waa inay feejignaadaan, sababtoo ah Arsenal si fudud ayey ugu guuleysan kartaa tartan kasta oo ay ku jirto,” ayuu Agbonlahor ku yiri talkSPORT.

“Arsenal hadda fursad weyn ayey u haystaan inay ku guuleystaan Carabao Cup-ka, waxayna ku jiraan xaalad aad u fiican oo ay Chelsea gurigooda kaga adkaan karaan, kaddibna waxay u badan tahay inay la ciyaaraan City, taas oo labada dhinacba u dhici karta.

“Premier League-ga, waxay u muuqdaan kuwo doonaya inay qaadaan. Champions League-gana? Fursad walba way haystaan.

“Waxay haystaan fursad aad u wanaagsan oo ay ugu yaraan ku qaadi karaan laba koob ama afar koob”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga