Muxuu Florian Wirtz Ka Yidhi Goolkiisii Ugu Horeeyay Ee Uu U Dhaliyay Liverpool.

Xiddiga Liverpool Florian Wirtz ayaa ka hadlay warbaahinta kaddib guushii ay ka gaareen Wolverhampton 2-1, kulan ka tirsanaa wareegga 18-aad ee Horyaalka Premier League, kaasoo ka dhacay garoonka Anfield.

Wirtz oo ka hadlayay goolkiisii ugu horreeyay ee uu u dhaliyo Reds-ka ayaa yiri:“Waxay ahayd dareen aad u wanaagsan inaan garoonka ku joogo anigoo ay taageerayaashu joogaan. Aad ayaan u farxay, welina waan faraxsanahay.”

Wuxuu intaas ku daray”Waan hubay inaan mar uun gool dhalin doono. Waxaan jeclaan lahaa inaan goor hore bilaabo goolasha iyo caawinta, balse arrimuhu sidaas ayay u dhaceen, waana inaan aqbalaa. Kaliya waan ogahay in waqtigeedu iman doono, waxaanan isku dayayaa inaan sidan ku sii socdo.”

“Waxaan ciyaarnay qeybtii hore si aad u wanaagsan. Waxaan luminay xakameynta ciyaarta balse mar kale ayaan la wareegnay hoggaanka. Qof walba dadaal weyn ayuu bixiyay. 20-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay waxaan arrimaha ka dhignay kuwo adag wax yar. Ma garanayo sababta. Waa inaan wax ka beddelnaa arrintaas.”

“Tani waa sida aan dooneyno inaan u ciyaarno. Waxaan dooneynaa inaan noqono kuwa hoggaaminaya. Bilowgii ma sahlaneyn annaga, balse waan horumaraynaa, dhibcahana waan urursanaynaa.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga