Kabtanka Senegal Kalidou Koulibaly ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimada gaarka ah ee Koobka Qaramada Afrika (AFCON), isagoo sheegay in ku guuleysiga koobkan uu uga qiimo badan yahay isaga ka qeyb-galka Koobka Adduunka.
“Koobka Qaramada Afrika waa mid ka mid ah tartamada ugu quruxda badan dunida. Waxaa laga yaabaa in dad qaar aysan ixtiraamin, balse anigu si qoto dheer ayaan u ixtiraamaa. Waan ogahay waxa ay guul ka gaarto AFCON ka dhigan tahay. Marnaba kama beddelan doono ku guuleysiga AFCON u soo bixista koobka adduunka” ayuu yiri daafaca dhexe ee 34-jirka ah.
Koulibaly sidoo kale wuxuu ugu baaqay warbaahinta inay muujiyaan muhiimadda dhaqan ee tartanka:
“Waxaan rajeynayaa in saxaafaddu ay gacan ka geysan doonto iftiiminta tartankan quruxda badan. Inkasta oo waxyaabo badan hore u dhaceen, waa inaan dhinac iska dhignaa oo aan diiradda saarno kubadda cagta, kuna fekerno farxadda nolosha ee gaar u ah Afrika. Waxaa nagu waajib ah annaga Afrikaanka ah inaan difaacno tartankeena,” ayuu raaciyay.
Be the first to comment