Weeraryahankii hore ee xulka Faransiiska, Thierry Henry, ayaa u sheegay Arsenal in aysan sameyn karin wax marmarsiiyo ah, iyadoo tartanka horyaalka Premier League uu sii kululaanayo.
Sida uu sheegay Henry, dhaawacyada iyo jadwalka ciyaaraha ee aadka u ciriiriga ah waxay sidoo kale saameynayaan kooxaha kale.
Arsenal ayaana marar badan xilli ciyaareedkan qarka u saarneyd inay wajahdo dhibaato weyn oo dhaawacyo ah.
Si kastaba ha ahaatee, kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta ayaa weli hoggaanka horyaalka heysa, iyagoo laba dhibcood ka sarreeya Manchester City.
“Dhaawacyada, jadwalka mashquulka ah – aan ka hadlin arrimahaas. Qof walba dhibaatooyinkiisa ayuu leeyahay. Aan aragno cidda halkaas joogi doonta marka dhammaadka la gaaro,” ayuu Henry u sheegay BetWay.
“Ma beddeli doono hadalkaygii bilowgii xilli ciyaareedka – waa inaan ku guuleysannaa horyaalka”
“Waa inuu noqdaa sanadkan. Waxaan aaminsanahay in kooxdu ay awood u leedahay inay sidaas sameyso, waxaana rajeynayaa oo kaliya inaan ka tallaabi karno xariiqdaas (guusha).”
Be the first to comment