Xiddigii hore ee khadka dhexe ee Chelsea, Craig Burley, ayaa digiin u diray kooxdiisii hore kahor kulanka Premier League ee ay Arsenal la ciyaari doonaan todobaadka dambe.
Burley wuxuu Blues uga digay in Gunners aysan u ciyaari doonin sidii kooxda Barcelona ee ay [Chelsea] kaga badiyeen UEFA Champions League Salaasadii.
“Rumee ama ha rumaysan, laakiin Chelsea waxa looga baahanyahay qaab ciyaareed ka wanaagsan midkii Barcelona marka ay ka hor tagayaan Arsenal”ayuu yidhi.
“Arsenal sida Barcelona u ciyaartay uma ciyaari doonto wayna ka qaab ciyaareed duwantahay waana tijaabo ay mari doonto chelsea”.
“Haddii ay Arsenal la sameeyaan wax u eg (waxay u sameeyeen Barcelona), markaas waa digniin weyn, sababtoo ah Arsenal waa kooxda ugu cadcad hanashada Premier League-ga.”
Be the first to comment