Ian Wright wuxuu aaminsan yahay in Arsenal ay si fiican isku diyaariyeen si ay uga kabsadaan maqnaanshaha Gabriel Magalhaes oo dhaawac ku seegaya kulanka Tottenham ee Axada.
Gunners waxay ka soo laabteen nasashada caalamiga ah iyaga oo wajahaya khasaare kale oo culus kadib markii difaacooda muhiimka ah, Gabriel, uu ka baxay ciyaartii saaxiibtinimo ee Brazil ay la yeesheen Senegal usbuucii hore.
Gabriel wuxuu xilli ciyaareedkan muujiyey qaab ciyaareed heer sare ah, labadaba weerarka iyo difaaca, balse dadaalka Mikel Arteta ee xagaagan ee saxiixyada ayaa ugu yaraan ka dhigay inuu haysto doorashooyin badan oo beddel ah.
Riccardo Calafiori iyo Piero Hincapie labaduba waxay ka ciyaari karaan daafaca dhexe halka Cristhian Mosquera uu si fiican u soo bandhigay markii uu badalay Gabriel.
“Mosquera ayaa beddelaya, sidaa darteed waa hagaag,” Wright ayaa u sheegay The Overlap markii laga weydiiyay haddii uu ka walaacsanyahay maqnaanshaha Gabriel.
Be the first to comment