Gabriel Jesus Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Arsenal Xilli Gunners Go’aamisay In Ay Iska Iibiso Xiddiga.

Gabriel Jesus ayaa ka hadlay wararka ku saabsan mustaqbalkiisa Arsenal, kadib markii la sheegay in kooxda ay ka fiirsan karto dalabyada ku saabsan isaga sanadka soo socda.

Warar toddobaadkan ah ayaa tilmaamay in afar ciyaaryahan lagu daray xiddigaha ay kooxdu iska iibinayso suuqa January Jesus ayaa lagu sheegay inuu ka mid yahay, iyada oo sidoo kale lagu daray Ben White, Gabriel Martinelli iyo Ethan Nwaneri, in kasta oo uun amaah laga yaabo in laga fiirsado 18-jirka Nwaneri.

Jesus wuxuu la kulmay dhaawacyo intii uu joognay Arsenal, waxaana uu haatan ka soo kabanayaa dhaawac ka soo gaaray wareegga saddexaad ee FA Cup xilli-ciyaareedkii hore.

Warbixin ka soo baxday Daily Mail ayaa sheegaysa in Arsenal ay doonayaan in xiddiga reer Brazil uu diyaar noqdo marka suuqa kala-iibsiga January furmo, maadaama ay u badan tahay inay ka fiirsan doonaan bixitaanka weeraryahanka haddii dalab “ku habboon” yimaado.

In kasta oo uu mustaqbalka jeclaan lahaa inuu ku soo laabto kooxda uu carruurnimadiisa ku taageeri jiray Palmeiras, Jesus wuxuu meesha ka saaray inuu ka tago Arsenal ka hor inta qandaraaskiisu dhamaanayo xagaaga 2027.

Wuxuu u sheegay Globo Esporte:
“Aad ayaan ugu mahadnaqayaa Palmeiras, waa kooxda aan taageero, waxaana qaar ka mid ah ciyaartoyda halkaas u sheegay inaan maalin uun ku soo laaban doono.”

“Laakiin hadda ma ahan waqtigaas, waxaan qandaraas kula jiraa Arsenal ilaa 2027, waxaana doonayaa inaan halkan sii joogo. Haddii sabab kasta ha ahaatee, labada dhinac ay fahmaan inaanan ka sii bixi karin ka dib waqtigaas, ugu yaraan ilaa 2027 waan joogayaa halkan”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga